Home / Arrimaha Bulshada / Pakistaan: Ninka ugu dheer oo ka cabanaya jaceyl la’aan heysata!

Pakistaan: Ninka ugu dheer oo ka cabanaya jaceyl la’aan heysata!

Himilo FM –Zia Rashid waxa uu haystaa sumadda qofka ugu dheer dalka Pakistan, dhererkiisu waa 2.43 Mitir waxa uu 3 taako ka gaaban yahay Robert Pershing ninka ugu dheer dunida, sidaa darteed waxa uu noqonayaa musharaxa kobaad ee booska ku ciriirin kara.

Waa 23 jir ka soo jeeda Punjab, waxa uu ku raaxaystaa inuu caan ku yahay qofka labaad ee ugu joogga dheer koonkan, balse waayihiise nololeed waxay ku sidkeen dhibaato uga timid dhererkiisa sare!

“Ma awoodo inaan helo lamaanahayga nolosha illaa iyo hadda, ma aanan helin qof sidayda u dheer, suura galna ma noqoneyso, reerka ayaa sidoo kale igu dhib qaba, marar badan ayay guur ii weydiiyeen reero balse qofna iima muujin xiiso, shakhsiyan waan joojiyay inaan ka fekero arrintaas”. Mr Rashid ayaa sidaa ku yiri wareysi dhawaan lala yeeshay.

Mushkiladda ka soo gaartay inuu yahay qof dheer tan keliya kuma koobna, Zia waxaa ku adag inuu shaqo helo, hase ahaatee waxa uu ku hami weyn yahay inuu dawladda hoose hibadiisa kaga heli doono shaqo sida laga soo xigtay Caters News.

Rashid si maalinle ah ayuu caqabado ula kulmaa marka uu toosaba waxa uu ka fekiraa wixii uu xiran lahaa “ma heli karo dhar cabbir ahaan ila eg, dawaarle ayaa dharka ii tola, kabahana waxaa ka dalbadaa gobolka Karachi, dhibaatada ugu weyn waxay tahay kuma safri karo gaadiidka dadweynaha, kuma fariisan karo kuraasta sababtoo ah siday u sameynsan yihiin iguma filna” Zia ayaa si dareen leh hadalkan u yiri.

Dhigaalada ayaa lagu wadaagay sheekada Rashid, qoraalada laga faafiyay dadku damqasho naxariis leh ayay ugu muujiyeen 23 jirkan u dagaalama sidii uu u heli lahaa jaceyl kaddib markii qoyskiisu lagu diiday in wiilkooda gabar la siiyo.

Sida laga soo xigtay Express Tribune nolosha wiilkan waxay isbedeshay markuu jiray 10 sanno “ markay ii buuxsantay toban jirkayga, si deg deg ayuu dhererkayga u kordhayay, jirkayga ayaa waxa uu noqday mid tabar yar .

Waxa uu intaa raaciyay “Dhakhaatiirtu waxay tabaryaraantaas ku sheegeen hoos u dhac ku yimid calcium-kayga, waxay igula taliyeen inaan badsado cunto leh calcium, intaa kaddib sannad gudihii waxaan ku noqday qofka reerka ugu dheer.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan