Home / Arrimaha Bulshada / Pakistan: Nin habaar kala dul dhacay diyaarad uu saarnaa!

Pakistan: Nin habaar kala dul dhacay diyaarad uu saarnaa!

Himilo FM –Ciidanka ammaanka garoonka Islamabad ee dalka Pakistan ayaa nin rakaab ah ka dejiyay diyaarad markii uu ku habaartamay in diyaarada burburto waxyar kahor inta aysan duulin.

Wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaa qoray in qofka rakaabka ah oo lagu soo koobay magaciisa Khaliil uu cod sare ku qayliyay isaga oo habaaraya diyaarada islamarkaana u rajeynaya musiibo ku timaada.

Ninka ayaa lagu soo waramayaa in uu fadhiyay kursigiisa diyaarada markii uu ka dhawaaqayay hadalada ku reebay dadka aragagaxa.

Dhaqanka ninka oo layaab ku noqday dad badan ayaa horseeday in duuliyaha diyaarada u yeero booliiska si khaliil looga saaro diyaarada iyadoo markii danbe laga ceyriyay garoonka.

Bishii November ee tagtay, isla garoonka magaalada Islamabad qof rakaab ah ayaa dab qabadsiiyay boorsooyin uu watay markii diyaarada uu ku qornaa dib u dhigtay duulimaadkeeda sababo la xiriira hawo xummo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan