Himilo – Pakistan waxay ku dhawaaqday in ay heshay xog sirdoon oo muujineysa in India qorsheynayso weerar milatari 24 ilaa 36 saac gudahood, kadib weerarkii ka dhacay Kashmir April 22, kaasoo ay ku dhinteen 26 qof, badankood dalxiisayaal ah.
India waxay si toos ah eedda u saartay Pakistan, balse way beenisay eedeynta.
Xaaladda ayaa cirka isku sii shareeraysa, iyadoo labada dal ay horay isugu qabteen Kashmir, waxayna horey u galeen saddex dagaal.
Qaramada Midoobay iyo Maraykanka waxay uga digeen labada dhinac inay xaaladda qaboojiyaan, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda.