Home / Cayaaro / Paris Saint-Germain oo afar xiddig kooxda ka direysa xagaagan

Paris Saint-Germain oo afar xiddig kooxda ka direysa xagaagan

Himilo FM –Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarinayaan in xiddigaha Gianluigi Buffon, Thiago Silva, Dani Alves and Julian Draxler ay xagaagan ka diraan kooxda.

Buffon oo 41 jir ayaa u muuqda in qandaraaskiisa kooxda uu dhacayo xagaagan laakiin labada qeyb ikhtiyaar ay ku kala saxiixanayaan heshiis dheeri ah.

Labada ciyaaryahan ee u dhashay dalka Brazil Silva oo 34 jir ah iyo Alves oo 35 jir ah ayaa sidoo kale uu dhammaanayaa qandaraaskooda 2020 iyo 2019 sida ay isugu xigaan.

Sida ay werisay Don Balon, PSG ayaa dooneysa in seddexdooda ay buuggooda ka saaraan xagaagan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Germany ayaa dhaliyay shan gool sidoo kale waxa uu caawiyey 10 gool 35 kula oo uu kooxda kasoo muuqday fasal ciyaareedkan, laakiin waxa uu macquul u noqon karaa in qiimo lacageed  gaarsiisan £51m lagu iibiyo dhammaadka ololahan.

PSG ayaa sameynaysa waxa aan macquul aheyn iyaga oo 20 dhibic oo nadiif ah ku haya horyaalka Ligue 1 laakiin waxaa laga ciribtiray tartanka Champions League kaddib markii ay gacanta u galeen  Manchester United.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan