Home / Habka-Nolosha / Paris Saint-Germain oo diiday dalabka Barcelona ee Angel di Maria

Paris Saint-Germain oo diiday dalabka Barcelona ee Angel di Maria

Muqdisho – Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalab 35 milyan oo Euros ah oo ay Barcelona ku dooneysay xiddiga garabka uga ciyaara Angel Di Maria.

29 jirkan ayaa lala xiriirinayay kooxda ka dhisan La Liga Isbuucyadii dhowaa ka dib markii uu ka soo wareegay  Neymar oo kusoo biiray  Les Parisiens, kooxda reer Catalan ayaa badelka Nymar u keensatay xiddigii BVB ee Ousmane Dembele kaas oo Jicihi ay ku dhawaaqeen.

Sida laga soo xigtay AS, Barca ayaa xiiseyneysa xiisaha ay u qabto oo ay 35 milyan oo ginni ku qaadato maalmaha soo aadan Di Maria , laakiin waxaa isla markiiba diidday kooxda ka dhisan Ligue 1.

Wargeyska ayaa sheeganaya in madaxweynaha PSG, Nasser Al-Khelaifi uu u arko xiddiga reer Argentine inuu qeyb weyn ka yahay qorshihiisa kooxda xilli ciyaareedkan, iyagoo doonaya inay dib u helaan horyaalka, islamarkaana tartan adag u galaan Champions League.

Dhanka kale xiddigii hore ee Real Madrid Di Maria, ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu ku laabto horyaalka La Liga iyo kooxda Barca, halkaas oo uu kula biiri doono xiddigaha Lionel Messi iyo Javier Mascherano oo dhalasho wadaag ay yihiin.

PSG ayaa kala soo saxiixatay Di Maria kooxda Manchester United isaga oo saxiixay Afar sano oo heshiis ah sanadki  2015 markii uu ku yimd £44 milyan oo lacagta ingiriiska ah.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan