Home / Habka-Nolosha / Paris Saint-Germain oo ku soo laabatay doonista Alexis Sanchez.

Paris Saint-Germain oo ku soo laabatay doonista Alexis Sanchez.

Muqdisho – Paris Saint-Germain ayay wararku sheegayaan in ay dib ugu soo laabatay doonista laacibka garabka midig ee weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez iyada oo markaan ku doonaysa £44 Million oo lacagta Ingriiska ah, kadib markii laga soo diiday dalab ay horay uga gudbiyeen.

Kooxdan Paris ka dhisan ayaa horraantii bishan gudbisay dalab gaaraya £35m, hayeeshe Gunners ayaa markaa iska diiday, waxayna wali ku adkaysanaysaa Arsenal in haysan doonto Sanchez.

Alex waxa uu ku guda-jiraa sanadkii ugu danbeeyay heshiiska uu ku joogo Emirates Stadium,waana mid kamid ah xiddigaha sida wayn u yaalla suuqa kala iibsiga, marka loo eego suuqa fasal-ciyaareedkan.

si lamid ah Sanchez ayaa dhow mar ka dhawaajiyay xiisihiisa ku aadan ka tagista Arsenal,waxaana si dhow loola xariirinayay kooxda iyana Ingiriiska ka dhisan ee Man City iyo kooxda reer Jarmal ee Bayern.

Sida ay warinayso France Football, kooxdan Ligue 1-ka ka dhisan ayaa mar kale miiska soo saari doonta  £44m, si ay u hesho adeegga Alexis Sanchez, waxaana loo badinayaa in kooxda caasimaddu ay mar labaad ku celin doonto Paris dalabkan.

Chile-gan heerka caalami ayaa toddobaadkaan tababarka la bilaabi doona kooxdiisa Arsenal, wuxuuna sanadkii tagay uu xiddigan ku lug lahaa 43 gool dhamaan tartamada wuxuu dhaliyay 30 gool isla markaana waxa uu caawiyay 13 kale.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan