Home / Cayaaro / Paris Saint-Germain oo weli dooneysa xiddiga Chelsea Willian

Paris Saint-Germain oo weli dooneysa xiddiga Chelsea Willian

Himilo FM –Paris Saint-Germain ayaa wali ku jirta tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Chelsea Willian, sida laga soo xigtay warbixin.

30 jirkan, ayaa si xoog leh loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United iyo Barcelona lixdii billood ee lasoo dhaafay laakiin qandaraaskiisa Stamford Bridge waxa uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka soo aadan.

Chelsea ayaan u badneyn inay jabiso siyaasadooda qandaraaska ciyaartoyda da’doodu ka weyn tahay 30 jir, taasoo la micno ah in xiddiga heerka caalami ee reer Brazil uusan heli doonin heshiis wakhti dheer ah oo uu ku siinagaado.

Willian ayaa sidaasi darteed doonaya inuu ka dhaqaaqo xagaaga, The Mirror ayaa soo jeedineysa in PSG ay u soo bandhigi doonto inay ka kaxayso Premier League.

Thomas Tuchel ayaa la sheegay inuu Willian bishii hore dalab ka gudbiyay  si uu  ugu xoojiyo safkiisa hore, laakiin Chelsea ma aysan xiiseynin inay iibiso  xilligaas.

Chelsea ayaa la saxiixatay Willian oo kaga yimid kooxda Ruushka Anzhi Makhachkala kharash dhan £ 30million sannadkii 2013-kii.

Ka hoos Ciyaarida  Maurizio Sarri ee xilli ciyaareedkan , Willian ayaa dhaliyay seddex gool, isagoo caawiyay  afar gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan