Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame; ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu ka fariisto Siyaasadda islamarkaana u wareego dhanka Saxaafadda.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kigali xilli uu soo dhaweynayay Madaxweynaha Kenya William Ruto oo booqshado ku jooga dalkaas ayuu ka hadlay mustaqbalkiisa Siyaasadeed.
Paul Kagame; ayaa yiri “Tobankii Sano ee la soo dhaafay waxaan hoggaanka Xisbiga ka doodeynay isbeddelka hoggaanka Xisbiga iyo talada Dalka, mar dhow iyo mardheerba waan ka fariisanayaa Xisbiga iyo Madaxtuinimada, Duruufaha iyo caqabadaha ayaa naga hortaagnaa in aan sidaas sameyno, hayeeshee waxaan raadineynaa marxalad ku habboon”.
Waxaa kale oo uu Mr Paul Kagame sheegay in uusan dooneyn in uu magacaabo qofka beddelay,waxaana uu xusay in taas ay xaq u leeyihiin dadka Waddanka Rwanda.
Mr Kagame; ayaa 23 Sano ah Madaxweynaha dalkaas,halka uu Hoggaamiyaha Xisbiga talada haya yahay tan iyo 1998ddii.
Waxaa lagu bogaadiyay qorshaha dalkiisa uu kaga badbaadiyay dagalkii sokeeye ee ay ku dhinteen dadka ku dhow Milyanka qof, iyo sida uu dalkaas ugu beddelay mid ka mid ah kuwa ugu horumarsan Qaaradda Afrika.