Home / Habka-Nolosha / Paul Pogba: “Man United waxay doonaysa ku guuleysiga koob walba.”

Paul Pogba: “Man United waxay doonaysa ku guuleysiga koob walba.”

Muqdisho – Paul Pogba ayaa xusay In kooxdiisa Man Utd ay sanadkan awood ahaan dhamaystiran tahay isla markaana awoodo ku guuleysiga koob walba.

Red Devils ayaa ku guuleysatay EFL Cup iyo Europa League xagaagii lasoo dhaafay, hayeeshii kuma aysan guuleysan horyaalka Premier League tan iyo sanadkii 2013.

Sanadkii lasoo dhaafay Manchester waxa ay kaalinta lixaad kaga dhameysatay horyaalka iyada oo quarter-final-ka kaga soo hartay FA Cup, ku guuleysigii Europa League ayaana u sahlay ka qeyb noqoshada koobka horyaallada Yurub ee xagaagan.

Si kastaba, Pogba ayaa ku adkeysanaya midaa, kooxda ayaa kusoo laabatay Champions League sanadkan.

“Muxuu hayay sanad wanaagsan, wax waliba wan ku guleysan karnaa waxaan nahay Manchester United, waxaan dooneyna in aan kooxda ku celino booskii ay caanka ku ahayd,”  ayuu u sheegay Sky Sports News.

“Waxaan dooneynaa in aan ku guuleysano koobab badan wanaagna aan ka sameyno Premier League, waana ku faraxsannahay inaan dib ugu soo laabano Champions League,” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan