Home / Habka-Nolosha / Paul Pogba oo 12 toddobaad ku maqnaan doona dhaawac.

Paul Pogba oo 12 toddobaad ku maqnaan doona dhaawac.

Muqdisho – Xiddiga Manchester United, Paul Pogba ayaa laga yaabaa in uu maqnaado 12 toddobaad kadib markii uu dhaawac adag soo gaaray toddobaadkii hore markii kooxdu ay wajahday Basel.

Qadkan dhexe ayaa dhaawac muruqa ah la kulmay qeybta hore kulankii Red Devils ay 3-0 kaga adkaatay Basel ciyaartii ka dhacday Old Trafford Talaadadii.

Tababaraha Man Utd, Jose Mourinho ayaa saxaafadda u sheegay kahor kulanka isbuucaan ee Premier League ee ay la leeyihiin Everton inuusan hubin waqtiga uu soo kabsanayo xiddiga reer France.

Sida ay warineyso The Times, daqaatiirta kooxda ayaa baaritaan ku sameeyay Pogba waxaana la ogaaday in uu dhaawac jiro uuna maqnaado saddex bilood.

Haddii ay run noqoto, 24 jirkan wuxuu maqnaan doonaa 12 kulan oo top flight ah iyo shanta kulan ee wareegga guruubyada ee Champions League kaga dhiman kooxda.

Afar soo muuqasho oo uu sameeyay xagaagan, Pogba ayaa dhaliyay labo gool labao kalana caawiyay.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan