Home / Habka-Nolosha / Paul Pogba Oo ka Bixi Doona Dhibaatooyinka Ku Habsaday Ka Dib Ku Soo Laabashadiisii Manchester United.

Paul Pogba Oo ka Bixi Doona Dhibaatooyinka Ku Habsaday Ka Dib Ku Soo Laabashadiisii Manchester United.

Laacibka aduunka ugu qaalisan ee Paul Pogba ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Manchester Umited  dhaleeceyn  kala kulmayey taageerayaasha Manchester United isagoo mar walba  ku dadaalayay sidii uu mar kale u noqon lahaa xiddiga aduunka ka yaabsaday xilligii uu joogay Juventus isla markaana uu uga soo muuqan lahaa lacagtii waalida aheyd ee laga soo bixiyay xagaagan.

 

Xidigii hore ee Juventus Paul pogba ayaa kooxdiisa u dhaliyey 5 gool kulamada oo dhan walina waxa uu ku dhibtoonaya sidii uu qaab ciyaareed inho qabad leh usoo bandhigi lahaa isagoo wali garan la’ meesha ay musiibadu ka haystao  waxaana soo if baxaya taageerayaal dalbanaya in xiddigaan kursiga kaydka la dhigo.

Paul pogba madhumin  hibadii iyo xirfaddii ku duugnayd balse waxaa jira dhibaatooyin kale oo xiddigaan ka hortaagan inuu soo bandhigo waxa laga rabo, mushkiladahaas badankooda  waxaa sabab u ah tabaraha Manchester United maxaa yeelay wuxuu ciyaarsiiyaa booska burbirihaya mana ahan booskaas booska uu jecelyahay  Pogba.

Xidigan ayaa kooxdiisi hore ee Juventus uga dheeli jiray Numberka Tobnaad isagoo halkaas ku noqday xiddiga aad imika u taqaanno midka addunka ugu qaalisan Paul Pogba, balse tababare Mourinho ayaa wiilkaan u isticmaala kubad burburiye iyo inuu daafaca kooxda caawiyo midaasina waxay hoos u dhigtay wax qabadka xiddigaan isagoo halkii uu kubado iyo fursado abuuri lahaa waqtigiisa dhan ku qaataa sidii uu u bur burin lahaa  kubadaha weerarka kooxaha kasoo horjeeda .

Kulankii Arsenal Paul Pogba ayaa laga ciyaarsiiyay booskiisi uu aadka u jeclaa isagoo la siiyay xorriyadda uu xiddigani uga soo muuqan karo meel kasta oo garoonka ka mid ah waxaana laga garab ciyaarsiiyay Carick iyo Ander Herrera kuwaas oo labaduba ka dheelayey booska kubbad burburiyaha waxaana taageerayaashu ay arkayeen Paul Pogba oo awood ku muquuninaya  Ciyaartoyda Khadka dhexe ee Arsenal.

Haddii uu ka garab ciyaaro Carick iyo Harrera waxaa la’aamin sanyahay in uu si degdeg leh uu u heli karo qaab ciyaareed kiisii wanaagsanaa ciyaaryahankan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan