Home / Habka-Nolosha / Pedro: ‘Chelsea waxay dareemaysaa niyad-wanaag kadib guushii Watford’

Pedro: ‘Chelsea waxay dareemaysaa niyad-wanaag kadib guushii Watford’

Muqdisho – Weeraryahanka kooxda Chelsea, Pedro ayaa qiray in kooxdiisa hadda dareenkeedu yahay mid wanaagsan, kadib markii ay 4-2 la dhaceen Naadiga Watford kulan ka tirsanaa Premier League galabnimadii Sabtiga.

Naadigan heysa horyaalka Ingiriiska ayaa ka cararayey dhibaatadii saddexaad ee kusoo gaarta Stamford Bridge, guushii Sabtiga ayaana ka dhigtay in ay degaan kaalinta afaraad ee kala sarreynta horyaalka.

Pedro ayaa qiray in sanadkan uu ka adag yahay sanadii hore isla markaana loolan adag uu muuqanayo waqtigan marka loo fiiriyo sandkii hore oo Blues-ka u ahaa sanad cajiib ah isla markaan ay hantiyeen Epl-ka.

Pedro ayaa u sheegay mareegta rasmiga ah ee naadiga: “Kooxdu waxa ay dareemeysaa wanaag, waxaan nahay kuwo kalsooni qaba waxaana dooneynaa in aan sii wadno sidaan.”

Chelsea, ayaa hadda ka danbeysa 9 dhibcood hoggaamiyaasha Manchester City, kooxda  Everton ayeyna la ciyaari doonaan Arbacada kulan ka tirsan  EFL Cup wareegiisa afaraad.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan