Home / Cayaaro / Pedro oo Virgil van Dijk la barbar dhigay difaac ay isku xul yihiin

Pedro oo Virgil van Dijk la barbar dhigay difaac ay isku xul yihiin

Himilo –Pedro ayaa isbarbardhig ku sameeyay Virgil van Dijk iyo Sergio Ramos, oo ah labada difaac ee ugu sarreeya ka hor kulanka Chelsea Super Cup ee ay la ciyaarayaan Liverpool.

Chelsea ayaa ka carbuunatay booskeeda kulankan iyagoo ku guuleystay Europa League, halka guushii Liverpool ee Champions League ay xaqiijisay booskooda tartanka ka dhacaya Istanbul.

Van Dijk – oo ah daafaca ugu qaalisan adduunka ka hor inta uusan Harry Maguire 80 milyan ginni ugu dhaqaaqin Manchester United – waxa uu ahaa tiirarka guusha Liverpool ee Europe xilli ciyaareedkii hore.

Waxaa sidoo kale loo caleemo saaray ciyaaryahanka sannadka ee PFA ka dib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee Premier League.

Isagoo ka hadlayay ka hor kulanka habeenka arbacada, Pedro wuxuu ka dhigay Van Dijk mid ka mid ah xiddigaha adduunka ugu fiican, waxaana uu ninka reer Holland la  barbardhigay kubad sameeyaha ay isku xulka Spain yihiin ee Ramos.

 “Waxay yihiin difaacyo dhexe oo aad u wanaagsan, malaha wakhtigan waa kuwa ugu sarreeya,” ayuu yiri garabka Chelsea.

Waxa uu intaa raaciyay “Sergio Ramos aad ayuu u fiican yahay, si fiican ayaan isaga u aqaanaa, waa daafac weyn.”

“Van Dijk sidoo kale waa la mid: aad ayuu u xoog badan yahay,  wuxuu dhaliyaa goolal. Waa Laba ciyaartoy oo waa weyn,” Pedro ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan