Muqdisho – Tababaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa kula taliyay ciyaartoydiisa in ay foojignaadaan isla markaana koox waliba ay awoodo in ay ka adkaado City.
Muwaadiniinta ayaa guuleystay 11 kooddii kulan ee ugu danbeeyey dhamaan tartamada, Sabtigii ayeyna 3-0 kaga adkaadeen Burnley iyaga oo shan dhibic oo nadiif ah ku qabtay horyaalka.
Kooxda uu hoggaamiyo macalinka Spanish-ka ah ayaa sanadkan la loodin la’yahay walina dhinaceeda dhulka lama dhigin tan iyo markii uu bilawday horyaalka sanadkan kaliya hal kulan ayey barbaro galeen inta kale waxa ay ahaayeen guuleystayaal, kulanka ay barbaraha galeen ayeyna la ciyaareen kooxda Everton.
“Kaliya waxaa diiradda saaraynaa kulanka soo aadan, iska jira koox waliba ayaa ka adkaan karta City,” ayuu yiri Pep Guardiola.
City ayaa dhalisay 39 gool intii lagu guda jiray 11-ka kulan ee guuluhu u socdeen.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.