Home / Cayaaro / Pep Guardiola ma qorsheynayo in uu ka tago Man City xilli hore

Pep Guardiola ma qorsheynayo in uu ka tago Man City xilli hore

Himilo – Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa la soo wariyay in uusan xilli hore ka tagi doonin garoonka Etihad Stadium.

Iyada oo City dhibco badan ka danbeyso kooxda Liverpool ee hoggaamineysa horyaalka Ingiriiska, waxaa soo baxayay warar badan oo tilmaamay in Pep uu ka tagayo kooxda dhammaadka xilli cayaareedkan.

Guardiola ayaa laga yaabaa in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu City ku sii joogayo. Qandaraaskiisa haddda waxa uu ku egyahay xagaaga 2021-ka.

Si kasta, marka la eego The Telegraph, Guardiola ayaa qorsheynaya in uu sii joogo kooxda illaa xilii cayaareedka soo socda halkii uu shaqo ka bilaabi lahaa dabayaaqada sannadkan.

Wararka ayaa tilmaamaya in 48 jirka uusan wali go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa kooxda Manchester City. Juventus iyo Paris Saint-Germain ayaa goor sii horreysay lala xiriiriyay tababaraha reer Spain.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan