Home / Habka-Nolosha / Pep Guardiola oo doonaya ciyaaryahan kale oo difaac ah.

Pep Guardiola oo doonaya ciyaaryahan kale oo difaac ah.

Muqdisho – Tababaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa lasoo warinayaa in uu wali suuqa kala iibsiga ugu jiro helidda cayaaryahan cusub oo ka ciyaara difaaca kahor inta aan lasoo gabagabayn dhamaadka bisha August.

Muwaadiniinta ayaa horay u qarash gareeyay lacag ka badan £200 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah tan iyo markii uu dhamaaday xagaagii hore.

Cayaartoyda kala ah Kyle Walker oo ka yimid Tottenham, Danilo oo ka yimd Real Madrid  iyo Benjamin Mendy oo isna kasoo boqoolay Monaco oo dhamaantood ka ciyaara difaaca ayaa horay ugu soo biiray Sky Blue, waxayna hadda raadinayaan ciyaaryahan ka ciyaara difaaca dhexe.

“Waan ku faraxsanahay John Stones, Vincent Kompany iyo Nicolas Otamendi, ma qarash-garayn doono lacag badan,” ayuu u sheegay Suxufiyiinta.

“Laakiin haddii suuqu uu fursad nasiiyo, waxaan isku dayi doonaa saxiix difaac.”

Man City ayaa sii wadan doonta ol’olaha ay iskuugu diyaarinayso bilaabaashada xilli ciyaareedka cusub, iyada oo xalay 3–0 kaga adkaatay Tottenham Hotspur.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan