Home / Cayaaro / Pep Guardiola oo ka arrinsanaya mustaqbalkiisa Manchester City

Pep Guardiola oo ka arrinsanaya mustaqbalkiisa Manchester City

Himilo – Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa in uu ka arrinsanayo ka tagista Manchester City xagaagan haddii kooxda reer England ay ku guuldareysato inay racfaan ka qaadato go’aanka looga mamnuucay ka qeybgalka Champions League xilli cayaareedyada soo socda.

Jimcadii shalay, Citizens-ka ayaa laga mamnuucay muddo labo sanno ah ka qeyb galka tartanka Yurub sabab ku saabsan xadgudub la xiriira shuruucda maaliyadda hufan ee UEFA.

Man City ayaa goor hore shaacisay inay racfaan ka qaadan doonto go’aanka inkasta oo qaraarka  hadda taagan uu ka dhigan yahay in Manchester City aysan ka qeyb gali doonin Champions League illaa ol-olaha 2022-23.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Guardiola ayaa go’aansan kara in uu ka tago shaqada tababarka kooxda haddii la dhaqan geliyo go’aanka xannibaada.

Tababaraha 49 jirka ah ayaa maamulaya City tan iyo bishii July ee sannadkii 2016-ka hase ahaatee qandaraaska uu ku joogo Etihad Stadium ayaa dhacaya dhammaadka xilli cayaareedka soo socda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan