Home / Cayaaro / Pep Guardiola oo xanibay bixitaanka ammaahda ee Phil Foden

Pep Guardiola oo xanibay bixitaanka ammaahda ee Phil Foden

Himilo –Rangers iyo Roma ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuldareysteen heshiis ammaah ah oo ay ku doonayeen weeraryahanka Manchester City Phil Foden.

19 jirka ayaa dhaliyay 7 gool 26 kulan oo uu u saftay City intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2018-19, halka uu durbaba u saftay Citizens xilli ciyaareedkan cusub.

Sida laga soo xigtay The Mirror, labada Naadi ee Rangers iyo Roma ayaa heshiis ammaah ah ugu dhaqaaqay weeraryahanka reer England ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Yurub 2-da Sebtember.

Si kastaba ha noqotee, warbixinta ayaa sheegaysa in tababaraha City Pep Guardiola uu iska diiday xiisaha maadaama uu u arko Foden inuu yahay xiddig muhiim u ah kooxda inta lagu jiro xilli ciyaareedka 2019-20.

Da ‘yarkan ayaa beddel aan la isticmaalin ahaa seddexdii kulan ee ugu dambeysay ee kooxdiisu ay ciyaartay Premier League – oo ay ku jirto guushii 4-0 ee ay kaga badiyeen Brighton & Hove Albion Sabtidii.

Kooxo badan oo Premier League ah ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay isku dayeen saxiixa Foden ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Ingiriiska bilowgii bishii hore.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan