Home / Cayaaro / Per Mertesacker “Waa jeclaan lahaa inaa dib ula midoobo Mikel Arteta.”

Per Mertesacker “Waa jeclaan lahaa inaa dib ula midoobo Mikel Arteta.”

Himilo- Kabtankii hore ee kooxda Arsenal Per Mertesacker ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko Mikel Arteta oo noqonaya tababaaha xiga ee kooxda iyadoo la isla dhexmarayay mustaqbalka tababaraha haatan shaqada haya ee Unai Emery.

Waxaa  saaran cadaadis badan ka dib markii uu maareeyay kaliya hal guul lixdii kulan ee ugu dambeysay ee uu macalin u ahaa Gunners.

Arteta, oo shan sano ku qaatay Emirates intii u dhaxeysay 2011 iyo 2016, ayaa loo haystay inuu yahay musharax suuragal u ah inuu bedelo Emery.

Isaga oo ka hadlaya rajada uu ka qabo saaxiibkiisii ​​hore inuu maamulo Arsenal, Mertesacker ayaa u sheegay Four Four Two: “Waxaan ahaa ku xigeenkiisa kabtanka Arsenal, wuuna igu aaminay. Waxaan ag taagnaa dhiniciisa inta lagu jiray kulamada kooxda waxaanan leenahay xiriir wanaagsan. Waxaan jeclaan lahaa inaan markale la shaqeeyo, nin sareeya

Arteta, oo hadda ah kaaliyaha Pep Guardiola ee Manchester City, wuxuu xor u yahay inuu ka tago doorkiisa haatan haddii shaqada Arsenal ay noqoto mid la heli karo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda Arsenal aan haatan laga gaarin inay meesha ka saaraan Emery, waxay siiyeen ninka reer Spain bil inuu wax ka beddelo Naadiga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan