Muqdisho – Madax-weynaha Real Madrid, Florentino Perez ayaa ku hal-adag inuusan hubin halka goolhayaha Manchester United David de Gea uu ka ciyaari doono xagaaga soo aadan.
Kooxda hanatay horyaalka Champion League ayaa mar labaad waxaa si weyn loola xiriirinayaa inay u dhaqaaqayso xera-gelinta goolhayaha xulka Qaranka Spain iyo kooxda United-ka, De Gea.
Madrid waxaa la filayaa inay u dhaqaaqdo saxiixashada laacibkan, hayeeshe madax-weyne Perez ayaan hubin halka 26 jirkan uu ka ciyaari doono xagaaga soo socda.
“De Gea ayaa goolhaye weyn oo u ciyaara kooxda Manchester United,” ayuu Perez u sheegay Atresmedia kadib markii kooxdu ay 4-1 kaga adkaatay dhiggeeda Juventus.
“Ma ogi halka uu ka ciyaari doono xagaaga xiga, waayo aniga ma ihi mid saadaasha ku fiican.”
De Gea ayaa Man United uga yimid kooxda Atletico Madrid sanadkii 2011. Wuxuu muddo saddex jeer ah ku guuleystay abaal-marinta laacibka sanadka ee kooxda.