Perez oo aan saadaalin karin halka De Gea uu ka dheeli doono xagaaga xiga.

Muqdisho – Madax-weynaha Real Madrid, Florentino Perez ayaa ku hal-adag inuusan hubin halka goolhayaha Manchester United  David de Gea uu ka ciyaari doono xagaaga soo aadan.

Kooxda hanatay horyaalka Champion League ayaa mar labaad waxaa si weyn loola xiriirinayaa inay u dhaqaaqayso xera-gelinta goolhayaha xulka Qaranka Spain iyo kooxda United-ka, De Gea.

Madrid waxaa la filayaa inay u dhaqaaqdo saxiixashada laacibkan, hayeeshe madax-weyne Perez ayaan hubin halka 26 jirkan uu ka ciyaari doono xagaaga soo socda.

“De Gea ayaa goolhaye weyn oo u ciyaara kooxda Manchester United,” ayuu Perez u sheegay Atresmedia kadib markii kooxdu ay 4-1 kaga adkaatay dhiggeeda Juventus.

“Ma ogi halka uu ka ciyaari doono xagaaga xiga, waayo aniga ma ihi mid saadaasha ku fiican.”

De Gea ayaa Man United uga yimid kooxda Atletico Madrid sanadkii 2011. Wuxuu muddo saddex jeer ah ku guuleystay abaal-marinta laacibka sanadka ee kooxda.

 

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan