Home / Deegaan / Philipiness: Tuulo yar oo dadweynaha cunto loogu beddalayo qashinka ay uruuriyaan!

Philipiness: Tuulo yar oo dadweynaha cunto loogu beddalayo qashinka ay uruuriyaan!

Himilo- Maamulka Philippines ayaa la dagaalamaya labo dhibaato oo kamid ah khataraha ugu weyn ee ka jira tuulada  Bayanan ee kala ah gaajada iyo wasakhda balaastikada ah.

Tuulada dhacda Philippines ayaa dadaal ugu jirta sidii loo yareyn lahaa qashinka balaastikada iyadoo dadweynaha bariis looga beddalanayo qashinka ay ku wareejiyaan dowladda.

Qof kasta oo ku nool tuulada oo keena 2 kiilo garaam oo qashin ah ayaa la siinayaa hal kiilo oo bariis ah sida laga soo xigtay dowladda.

Inkastoo kiilada bariiska la iibiyo 0.70 Senti haddana kharashka ayaa culeys ku ah dadka tuulada oo ku nool xaalad saboolnimo ah.

Dalka dhaca koonfur bari Asia ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah dalalka ka qeyb qaata wasaqeynta badda sida ay muujiyeen warbixino badan.

Sida uu tilmaamay baaritaan ay sameysay Ocean Conservancy, Philipiness ayaa soo saarta 2.7 Milyan oo tan oo qashinka balaastikada ah. Bariiska ayaa kamid ah cuntada ugu badan ee laga isticmaalo Philippines.

Andrew Beder oo ah madaxa tuulada ayaa xusay in dadweynaha ku guuleysteen inay soo uruuriyaan inka badan 213 kg oo ah qashinka balaastikada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan