Himilo- Philippe Coutinho ayaa ku laaban kara Premier League – haddii Bayern Munich ay go’aansato in aysan heshiis joogta ah la saxiixan xiddigan.
Sida uu wariyay warsidaha Isbaanisha ee AS, Barcelona ayaa qorsheeneysa in ninka reer Brazil gabi ahaan uu kooxda ka hayaamo dhammaadka fasalkan.
isagu hadda waxa uu ka tirsan yahay Bayern Munich oo uu ugu ciyaarayo si amaah, kooxda reer Jarmal waxa ay fursad u heysataa in ay ku iibsato qiimo dhan €120million oo Euro haddii uu anfaco laacibkaan.
kooxda ka dhisan gobalka Catalan ee Barca marna qorshadeeda ma ahan in Coutinho uu mar kale ka ak ciyaaro – micnaheedu waa ku laabashada horyaalka England dhammaaka xilli ciyaareedkaan.
Coutinho waxa uu Nou Camp qiimo sarre kaga soo biiray Liverpool bishii Janaayo 2018, laakiin waa uu ku dhibtooday in uu saameyn ku yeesh muddo 18 billood oo uu Spain joogay.
isaga waxaa si weyn loola xiriirinayey ku laabashada garoonka Anfield xagaagan sidoo kale waxaa danenayay kooxaha with Tottenham , Manchester United and Arsenal.