Home / Habka-Nolosha / Philippe Coutinho: “Waxaan ku qanacsanahay Liverpool.”

Philippe Coutinho: “Waxaan ku qanacsanahay Liverpool.”

Muqdisho – Laacibka Philippe Coutinho ayaa ku hal-adag inuusan xiiso u qabin ku biirista kooxda ka dhisan Spain ee Barcelona – jeclaan lahaana inuu qeyb  ka noqdo xulka hore ee naadiga caalamiga ah ee Liverpool.

Weeraryahankan oo dhawaan heshiis ilaa sanadka 2021 ah la galay kooxdiisa ayay wali kooxda ku ciyaarta Camp Nou ku niyad weyn tahay inay lasoo wareegi karto si uu uga dhinac ciyaaro laacibka ay isku xulka yihiin ee Neymar.

Coutinho ayaase sheegay inuu doorbidayo kula guuleysiga koobab badan kooxda Reds sidii ay ahayd 80-meeyadii macalin Klopp halkii uu aadi lahaa Barcelona.

“Kooxdan, Liverpool, waxay leedahay qorshe: inay ku noqoto meesha sare, waana waxa aan rumeysanahay. Waxaan rabaa inan qeyb ka noqdo kooxdayda,” ayuu yiri Coutinho.

“Hubaashii, waan ku raaxaysanayaa halkan iyo reerkaygaba. Shakina kuma jirto.”

“Waxaan rabaa inaan koobabka ku guuleysto. Heshiiskayga 5 sanadood ah ayaana fursadaas uga faa’iideysan karaa.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan