Himilo FM –Booliiska dalka Philippines ayaa gacanta ku dhigay 1500 diin ama diidiin nool oo looga tagay garoonka magaalada Manila.
Xamaalatadan ayaa laga helay afar boorso oo waaweyn iyadoo la rumeysan yahay in la doonayay in lagu iibiyo lacag dhan 4.5 Milyan oo Peso oo u dhiganta 86 kun oo doolar.
Booliiska ayaa sheegay in laga tagay boorsooyinka kaddib markii qofka waday uu garowsaday ciqaabta adag ee ka dhalan karta dhoofinta duurjoogta.
Haddii lagu qaban lahaa qofka, waxa uu wajahi lahaa labo sanno oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 200,000 Peso.
Saraakiisha garoonka Ninoy Aquino International Airport ayaa shaaciyay in diinka tirada badan uu ka tagay rakaab u dhashay Philippines oo ka yimid Hong Kong.
Waxaa immika diinka lagu wareejiyay waax qaabilsan la socodka duurjoogta la dhoofiyo iyadoo la baarayo caafimaadkooda. Diinka ama diidiinka ayaa qeybo badan oo kamid ah Asia waxaa loo arkaa inuu dawo u yahay xanuuno badan.
Toddobaadkii tagay, inka badan 3000 oo diin ah ayaa loo dhoofiyay Malaysia iyadoo la adeegsanayo doon hase ahaatee ciidamada badda dalkaasi ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan.