Home / Deegaan / Philippines: Inka badan 500 Bilyan oo geed ayaa la beerayaa

Philippines: Inka badan 500 Bilyan oo geed ayaa la beerayaa

Himilo FM –Ardayda dalka Philipiness ee ka baxaya dugsiyada sarre ayaa ku qasban inay beeraan ku dhawaad 10 geed kahor inta aysan ka bixin dugsiga sida uu farayo sharci cusub.

Sharciga dhawaan dhaladka ah ayaa dib u soo nooleynaya dhaqanka beerista dhirta oo muhiim u ah la dagaalanka isbadalka cimilada.

Dadka taageersan ayaa aaminsan in sharciga uu horseedayo beerista 525 Bilyan oo geed oo muddo kooban lagu talaalo haddii si wanaagsan loo fuliyo.

Gary Alejano oo katirsan xisbiga Magdalo Party islamarkaana ka soo shaqeeyay sharciga ayaa xusay in ardayda dugsiyada sarre looga baahan yahay inay u hoggaansamaan sharciga iyagoo talaalaya 175 Milyan oo geed sannadkii.

“Nolosha jiil dhan, 525 Bilyan oo geed ayaa lagu talaali karaa,” ayuu yiri Mr Alejano

Telefishinka CNN-ka ayaa ku soo waramaya in dhirta lagu talaali doono goobo kala duwan sida xarumhii hore ee milatariga iyo deegaano katirsan miyiga fog.

Dowladda Philipiness ayaa xustay in beerista dhirta looga baahan yahay in loo fiiriyo cimilada deegaanka iyo sida ay ugu habboon tahay.

Waaxda waxbarashada sarre ee Philipiness ayaa ka shaqeyn doonta dhaqan gelinta sharciga cusub ee ardayda ku qasbaya inay beeraan dhir kahor qalinjabintooda.

Xaalufinta dhirta ayaa ku baahsan dalka Philipiness, waxaynta tani sabab u noqotay saameynta fatahaado iyo burbur dhuleedyo ka dhacay dalkaasi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan