Home / Habka-Nolosha / Pierre-Emerick Aubameyang oo caddeeyay in uu sii joogi doono Borussia Dortmund.

Pierre-Emerick Aubameyang oo caddeeyay in uu sii joogi doono Borussia Dortmund.

Muqdisho – Pierre-Emerick Aubameyang ayaa xaqiijiyay inuu sii joogi doono kooxda Borussia Dortmund xagaagan.

28 jirkan ayaa lala xariirinayay qaar kamid ah kooxaha ugu tunka weyn Yurub sanadkan, sida AC Milan, Chelsea iyo Manchester City kuwaas oo dhamaantood doonayay adeegga Pierre-Emerick.

Aubameyang ayaa qiray in uu wadahadallo kula jiro kooxda ka dhisan horyaalka Bundesliga, wuxuuna u caddeeyay taageerayaasha BVB inuu sanadka soo aadan sii joogi doono Signal Iduna Park.

“Waa run taas waan kala hadlay Borussia Dortmund kahor inta aanan aadin fasaxa,” ayuu xiddigan Gabon u dhashay  u sheegay German newspaper.

Aubameyang heshiiska uu kula joogo Dortmund waxaa kaga harsan saddex sano, isaga oo dhaliyay 31 gool 32 kulan uu ka ciyaaray horaalka Jarmalka ee Bundesliga.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan