Home / Habka-Nolosha / Pierre-Emerick Aubameyang oo lagu soo daray safka Borussia Dortmund ee wajahaya Freiburg

Pierre-Emerick Aubameyang oo lagu soo daray safka Borussia Dortmund ee wajahaya Freiburg

Muqdisho – Pierre-Emerick Aubameyang ayaa loo magacaabay  safka ciyaartooyda Borussia Dortmund ee galabta la ciyaaraya Freiburg ciyaar ka dhici doonta guriga BVB.

Laacibka heerka caalami ee dalka Gabon ayaan kasoo muuqan kulan ah horyaalka Bundesliga tan iyo 16-kii bishii December, sababo la xariira laacibkan oo lala xariirinayo kooxaha waaweyn ee Yurub.

Arsenal ayaa haatan wada-hadalo kula jirta Aubameyang si ay ugu soo dhaqaajiso Premier League, laakiin labada kooxood wali ma aysan awoodin inay heshiis gaaraan, waxaana haatan jira cabsi laga qabo in heshiiskan uu dib u dhaco ilaa xagaaga.

Inkastoo aan la hubin mustaqbalka xiddigan weerarka ka ciyaara oo laga yaabo in uu mustaqbalka dhow ku baxo suuqa kala iibsiga, ayaa hadana tababare Stoger, ku adkeysanaya qorshihiisa isagoo magacaabaya ciyaartoyda BVB ee kulanka ay la leeyihiin Freiburg ayuu ku daray .

Isaga oo ka hadlayay shirkiisa jaraaid ee kulanka ka hor Peter Stöger ayaa yiri, “Waxa uu si fiican u tababaray isbuucaan.

Dortmund ayaa barbaro gashay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay kooxaha Wolfsburg iyo Hertha Berlin, iyadoo uu ka maqanyahay  Aubameyang.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan