Home / Habka-Nolosha / Pique: “Buffon wuxuu u qalmaa Ballon d’Or.”

Pique: “Buffon wuxuu u qalmaa Ballon d’Or.”

Muqdisho – Xirfadda guushu ku laran tahay ee Gianluigi Buffon uu ku tallaabsaday, waxay u qalantaa abaal-gudka Ballon d’Or, marka loo eego daafaca Barcelona, Gerard Pique.

Buffon oo xulka Qaranka Italy iyo kooxda Marwada Duqda lagu naaneyso ee Juventus u safta ayaa sugaya inuu 3th bisha soo socta uu kooxdiisa kala qeyb-galo kulanka Finalka Champion League oo ay Cardiff kula dheeli doonaan Real Madrid.

Buffon ayaa Juve kula guuleystay 8 koob oo Seria A, shan Supercoppa Italiana ah, saddex Coppa Italia ah iyo koobka adduunka oo xulkiisa kula guuleystay sanadkii 2006.

Halka Pique uu rumeysan yahay in saaxiibka ay Barcelona ka wada dheelaan ee Messi u qalmo abaal-marinta Ballon d’Or, wuxuu sidoo kale doonayaa inuu arko Buffon oo abaal-marin weyn la guddoonsiiyay.

“Messi sanadkan wuu ku guuleysanayaa kobaha dahabka, wuuna u qalmaa in markii lixaad la guddoonsiiyo abaal-marinta Ballon d’Or,” ayuu yiri.

“Balse haddii qiimeyn la fiiriyo, Buffon isaguna wuxuu ku guuleystay Scudetto-ha Talyaaniga, Coppa Italia, wuxuuna sugayaa hanashada koobka Champion League.”

“Wuu u qalmaa in lagu sharfo abaal-marinta dhamaan wixii uu ku qabtay xirfaddiisa gool-hayanimada iyo in sanadkan la guddoonsiiyo.”

Pique oo kooxdiisa ay ku guul-darreysatay inay Juve kaga adkaato soo tiigsiga finalaha UCL ayaa xusay in kulanka dhex maraya Marwada Duqda ah iyo Real Madrid uu yahay mid u dhxeeya labada awood.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan