Home / Habka-Nolosha / Pires oo tilmaamay in Mbappe uu ku biiri doono Arsenal – balse diiday in lala mid dhigo Henry

Pires oo tilmaamay in Mbappe uu ku biiri doono Arsenal – balse diiday in lala mid dhigo Henry

Muqdisho – Kylian Mbappe, wuu la saxiixan doonaa Arsenal, hayeeshe xirfad-yahankan da’da yar ee Monaco waa inaan lala barbar dhigin laacibkii hore ee Gunner-ka, Thierry Henry, sidaas waxaa yiri Robert Pires.

Weeraryahankan 18-jirka ah ee ayaa indhaha horyaallada Yurub soo jiitay taniyo markii lala dhacay bandhigyada uu ka sameynayo horyaalka Faransiiska – halkaas oo 13 gool uu u dhaliyay naadiga Monaco.

Toddobaadkii hore, macalinka Arsenal, Arsen Wenger ayaa qirtay in naadigiisu awoodi karin bixintan adduun lacageedka uu ku kacayo saxiixa laacibka – haddii uu noqdo mid laga heli karo suuqa xorta ah.

Hayeeshe, Pires oo kamid ah tiirarkii ay ku taagneyd Arsenal 2003-04, ayaa rumeysan in laacibkani tiigsan doono gegida Emirates ee Gunners-ka.

Isaga oo la hadlayay Bwin, wuxuu yiri; “Waan filayaa inay la saxiixan doonto.”

“Dhibaatadu waa in intee la’eg. Mbappe wuxuu leeyahay awoodda uu ugu ciyaari karo Arsenal, Wenger-na waa maareeyaha saxda ah ee maareyn kara.”

“Monaco iyo Arsenal naadiyo koox ahaan iska daba dhow. Marka masameyneyso micno weyn.”

Is-barbardhigista blilowga xirfadeed ee Mbappe iyo Henry qeyb ahaan way is leedahay maadaama labadooduba ay ku bilowdeen kooxda Monaco.

Hayeeshe Pires ayaa diidan in Henry oo laacib rikoor ka heysta horyaalka England PL lala mid dhigo Mbappe oo hadda un soo hana-qaadaya.

“Waa mid aan muhiim aheyn in la isla barbardhigo Mbappe iyo Henry. Waa laacib da’yar oo fursado fiican heysta, hadana ma ahan gar in lala mid dhigo Theiry Henry.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan