Home / Habka-Nolosha / Pires: “Waxaan doonayaa inaan la shaqeeyo macalin Wenger.”

Pires: “Waxaan doonayaa inaan la shaqeeyo macalin Wenger.”

Muqdisho – Ruug-cadaagii hore ee Arsenal, Robert Pires ayaa ku celiyay doonistiisa la xiriirta inuu mar un jeclaan lahaa ka dhinac shaqeynta macalin Arsen Wenger

Laacibkii hore ee naadiga, wuxuu hadda danjire u yahay Gunners-ka, wuxuuna il-qooraansanayaa sidii uu uga dhinac shaqeyn lahaa macalinkan oo dhawaan saaxiibkiisii hore u magacabaay Jens Lehmann.

Pires ayaan kaliya aad ugu dhaweyn macalin Wenger, balse sidoo kale xiddigaha Ozil iyo Sanchez ayuu la xiriir fiican la leeyahay. Hayeeshe 44-jirkan ayaa ku celinaya doonistiisa ah inuu mar un kusoo laabmo gegida Gunners-ka isaga oo kamid ah shaqaalaha kooxda.

“Hadda waxaan isku howlayaa la-qabsiga asxaabta naadiga, hankayguna waa inaan mar un la dhinac shaqeeyo macalin Wenger,” ayuu yiri. “Marka aad tahay laacib hore, waxaan doonaysaa inaan kusii nagaato naadigaada. Arsenal waa kooxdayda.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan