Home / Habka-Nolosha / Pochettino: “Dembele wuxuu qeyb ka heystaa tayada Maradona.”

Pochettino: “Dembele wuxuu qeyb ka heystaa tayada Maradona.”

Muqdisho – Macalinka Tottenham Mauricio Pochettino ayaa u tix-gelinaya laacibka Mousa Dembele mid kamid ah laacibiinta xulka ah ee uu abid ka dhinac shaqeeyey sida xidiggii reer Argentine ee Diego Maradona.

Tababaraha Spurs-ka ayaa horraanta 1990-meeyadii wuxuu si kooban kala dhinac ciyaaray xiddigan naadiga Newell’s Old Boys. Wuxuu sidoo kale Ronaldinho oo mar noqday laacibka adduunka kala ciyaaray Paris Saint-Germain iyo xidigo kale oo dhowr ah.

Pochettino ayaa u diyaarsan kamid dhigista laacibka Biljam u dhashay ee Dembele laacibiinta dunida raadeeyey – tiiyoo 29-jirkan uu kusoo muuqday xubnaha ugu muhiimsan White Hart Lane.

Wuxuu yiri: “Waxaan u sheegaa aalaaba; Mousa marka aan qorayo buugayga, waxaan kugu daraa laacibiinta doorka ah ee aan abid la shaqeeyey.”

“Mid wuxuu ahaa Maradona; midna Ronaldinho, Okocha iyo De La Pena.”

“Waxaan inta badan u sheegnaa in haddii aan ku qaadan laheyn da’da 18 ama 19-jirka uu noqon lahaa mid kamid ah laacibiinta ugu qaalisan dunida. Hubaalna waan ku qaadan lahaa da’da 18-jirka.”

“Haddii aad daacad tahay, waad igu raacaysaa aragtidayda.”

Dembele ayaa 28 kulan ciyaaaray dhamaan kulamada xilli-ciyaareedka isaga oo naadiga ka caawiyay inay ku nagaato afarta ugu sarreysa kala horreynta England PL iyo sidoo kale inay xejisato booskeeda horyaalka UCL.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan