Pochettino: “PSG waa kooxdayda.”

Muqdisho – Mauricio Pochettino ayaysan ka dahsooneyn xaaladda ay had iyo jeer ku sugan tahay naadiga PSG ee Faransiiska – waayo waa kooxdiisa gaarka ah. 

44-jirkan ayaa saddax xilli ciyaareed kusoo qaatay Faransiiska intii uu ciyaaraha ku jiray isaga oo kasoo muuqday ku dhawaad 100 kulan.

Wuxuu sidoo kale kabtan usoo noqday naadiga PSG.

Hayeeshe, daaficii hore ee qaranka Argentine ayaa qirsan inuu indhaha ku hayo waxa ka socda gudaha naadiga PSG isaga oo ku tix-geliya inay tahay kooxdiisa gaarka ah.

Pochettino ayaa u sheegay SFR Sport: “Intii aan awoodo waan daawadaa ciyaaraha kooxda PSG dabcan.”

“Kooxdaydu waa PSG. Waan jeclahay PSG. Waxaan kusoo qaatay ku dhawaad saddax sano.”

Pochettino wuxuu mar hore muujiyay ka go’naantiisa ah inuu ku laabto Faransiiska inta uu ku jiro shaqadiisa tababarenimada.

Wuxuu bishii April u sheegay RMC: “Waxaan aalaaba iraahdaa way i farxad gelinaysaa inaan ku biiro koox weyn sida PSG.”

“Inaan imaado Paris, waan naawilayaa. Waa dhab inay i farxad gelinayso. Waa qeyb kamid riyadeyda.”

Balse Spurs-ka ayaa jecleyn riyadaas inay goor hore u dhabowdo maadaama ay ku jiraan kacaan uu horseed uga noqday kooxda ku dheesha White Hart Lane inay bandhigyo lala dhacay muujiso.

 

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan