Home / Cayaaro / Pogba oo qiray in Liverpool aan sannadkan laga xigin horyaalka Pl-ka

Pogba oo qiray in Liverpool aan sannadkan laga xigin horyaalka Pl-ka

Himilo – Pogba ayaa Liverpool u qiray “inay ka horreeyaan koox walba” xittaa kooxdiisa Manchester United.

Liverpool ayaa lama joojiyaal ah xilli ciyaareedkan iyaga oo Isniintii 3-2 kaga adkaaday kooxda West Ham taasi oo la micna ah inay guuleysteen 26 kulan halna barbaro galeen 27 kulan oo ay cayaareen.

Reds ayaa noqon karta kooxdii ugu horreysay ee Premier League loo caleema saaro bisha Maarso, waxayna ka wanaagsan yihiin fasalkii 2018-19 markaasi oo ay ka gadaal mareen Manchester City oo goortaasi noqotay guuleystayaasha xilligaasi.

Isaga oo u warramayay ESPN, ayuu yiri: “Waxay k horreeyaan cid waliba.

“Ma aysan guuldarreysan hal kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, taasi oo ka dhigan in ay gacanta ku heystaan koobka Premier League.”

“Haddii aan ahay xiddig Man Utd ah waxaan oggahay in uu xafiiltan nagala dhaxeeyo iyaga, ma dooneyno in ay iyagu koob ku guuleystaan. Ma dooneyno in koox innaga naga baxsan ay koob hanato, laakiin kubadda cagta waa jaceyl iyo in aad xushmeyso ciyaarayahanka kooxda lidka ku ah, waxaan dhihi karaa waxay maanta u qalmaan hanashada horyaalka.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan