Himilo – Tuulo ku taalla Yurub ayaa abaal-marin siineysa lamaanaha ugu horreeya ee dhala carruur lab ah si qoysaska loogu dhiira-geliyo dhalmada labka oo ku yar deegaanka.
Mas’uuliyiinta Miejsce Odrzańskie oo ah tuulo yar oo dhacda koonfurta Poland islamarkaana ku dhaw xuduuda jamhuuriyadda Czech ayaa sheegay in maamulka uu bixinayo abaal-marin la guddoonsiinayo qoyska ugu horreeya ee u dhasha wiil.
Mareegta warbaahineed ee Oddity Central ayaa qortay in tuulada aan lagu dhalin wiil muddo 9 sanno ah xilli da’da cunugga ugu yar ee wiil ah tahay 12 sanno jir.
Duqa tuulada Rajmund Frischko ayaa tilmaamay in dhalmada labka ku yartahay deegaanka markii la qiimeeyay diiwaanka dhalmada ee la qoray isagoo ballan qaaday in qoyska ugu horreeya ee wiil u dhasho in la abaal-marin doono.
Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan baarnay dhacdada inka badan hal jeer, waa xaqiiq in gabdhaha dhalanayaan halka wiilasha yaryihiin.”
Tomasz Golasz oo kamid ah mas’uuliyiinta waaxda dab-damiska tuulada ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in uu wiil u dhasho isaga oo carrabka ku adkeeyay in wiilasha ku yaryihiin deegaanka.
Tirakoobyada tuulada Poland ayaa muujiyay in farqi weyn u dhaxeeyo tirada dhalashada lab iyo dheddig .
Waxaa xusid mudan in aan la shaacin nuuca abaal-marinta la siinayo qoyska uu u dhasho wiilka ugu horreeya.