Himilo-Ku dhawaad 15 tan oo daroogo ah ayaa lagu qabtay garoommada diyaaradaha UK sanadkan 2024 keliya, halka sanadkii 2023 la qabtay 5 tan oo kaliya.
Mas’uuliyiinta Hay’adda Dembiyada Qaranka (NCA) ayaa sheegay in kororkan uu sabab u yahay kadib markii ay soo bateen dadka isticmaala daroogooyin-ka iyo dhaqaalaha laga sameeyo.
Guud ahaan 136 qof ayaa lagu qabtay sanadkii 2023 iyagoo daroogo galinayo Uk, halka 378 qof lagu qabtay sanadkan.
Bishii May, Fernando Mayans Fuster oo ahaa Spanish 51 jir ah ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Manchester isagoo wata siddeed kiish oo ka kooban 158 kiilo oo daraagis ah. Waxaa lagu xukumay saddex sano iyo afar bilood oo xabsi ah.
Sanadka 2024, ku dhawaad nus ka mid ah dadka la qabtay waxay ka yimaadeen Thailand, 75 ayaa ka yimid Canada halke 47 ay ka yimid Mareykanka.