Home / Macluumaad / Portugal oo diiwaan gelinaysa xayawaanada ay gaadiidka ku jiiraan wadooyinka

Portugal oo diiwaan gelinaysa xayawaanada ay gaadiidka ku jiiraan wadooyinka

Himilo – Portugal ayaa billowday barnaamij ku shaqeynaya taleefanada oo lagu diiwaan gelinayo xayawaanada ay gawaarida ku jiiraan wadooyinka si maamulka uu macluumaad uga hayo.

Waxaa kale oo ujeedka qorshahan lagu sheegay sidii loo yareyn lahaa tirada xayawaanada ku baxa taayeerada gawaarida iyadoo la qaadanayo tallaabooyinka loo baahan yahay.

Hay’adda Infraestrutures de Portugal ee Portugal ayaa kala kaashaneysa muwaadiniinta diiwaan-gelinta macluumaadka ku saabsan xayawaanada gaadiidka ku jiiraan wadooyinka.

Dadka heysta taleefanada casriga ah ayaa adeegsan kara barnaamijka ‘Life Lines’ oo si bilaash ah looga heli karo Google Play si ay u diiwaan geliyaan xayawaan kasta oo ay arkaan in uu gaari ku jiiray wadada.

Xogta dadweynaha ayaa lagu keydin doonaa meel gaar ah iyadoo loo adeegsanayo qiimeyn ballaaran oo la xiriirta xayawaanada ku naf baxa wadooyinka.

Application-ka oo laga shaqeynayay tan iyo sannadkii 2014-kii ayaa lagala kaashaday jaamacadda University of Évora.

António Mira oo ah xiriiriyaha mashruuca ayaa sheegay in ujeedka yahay in la yareeyo saameynta xun ee jirta islamarkaana dadka lagu baraarujiyo khasaara nafeed ee ka dhasha xayawaanada gaadiidka ku jiiraan wadooyinka.

Intii u dhaxaysay 2005 iyo 2019, 81,972 xayawaan ayaa ku baxay shilalka wadooyinka Portugal sida lagu sheegay tirakoob.

Nuucyada ugu badan waxay ahaayeen xayawaanada ku noolaan kara biyaha iyo berigaba, shimbiraha iyo naasleyda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan