Muqdisho – Macalinkii hore ee xulka qaranka Talyaaniga, Cesare Prandelli ayaa shaaciyay inuu iska diiday wada-hadal uu la furi lahaa kooxda Leicester City kadib markii ay dhiggiisa Claudio Ranieri ula dhaqantay si uusan jecleysan,
Ranieri ayaa laga diray kooxda ku ciyaarta gegida King Power 9 bil kadib markii uu ku hoggaamiyay horyaalnimada England PL. Macalin Prandelli kaas oo iska tiriyay xilka kooxda Valencia bishii December sanadkii hore, wuxuu xaqiijiyay inay isku soo dhawaadeen kooxda heysata horyaalka England ee Leicester.
“Waxaa jiray xiriir iiga yimid kooxda Leicester balse waxaan durba ku iri maya ma aadi kartid meel sidaas oo kale ah kadib markii aan arkay sida Ranieri loola dhaqmay. Ma aadaysid halkaas. Joogsi,” ayuu yiri.
“Maareynta kubadda cagta waa wax aan caadi ahayn, hayeeshe waa shaqo cajiib leh. Sanadihii dhawaa waxaa jiray isbadallo waaweyn oo u dhaxeeyey sida macalimiinta iyo ciyaartoyda ay u wada dhaqmaan.”
“Tusaale ahaan, Ranieri wuxuu ku guuleystay si lama filaan ah taas oo aan loo babac dhigi karin. Tababare ku guuleystay koob in yar kadibna laga eryayo naadiga waa la yaab.”
Taniyo markii macalin Claudio Ranieri laga eryay naadiga, Leicester ayaa afartii kulan ee ay ciyaartay ku hoos guuleystay xilka macalinnimo ee tababare boss Craig Shakespeare – iyada oo soo tiigsatay wareegga sideeda ee Champion League. Waxay sidoo kale lix dhibcood sara uga soo kacday diilinta kooxaha ugu hooseeya.