Home / Cayaaro / Prince Boateng “waa ii farxad in wiilasheydu u ciyaaraan Barcelona iyo Bayern.”

Prince Boateng “waa ii farxad in wiilasheydu u ciyaaraan Barcelona iyo Bayern.”

Himilo FM – Prince Oppong Boateng oo ah aabaha dhalay Kevin-Prince Boateng ayaa sheegay in uu faraxsan yahay kaddib markii wiilkiisa uu ku biiray FC Barcelona.

31 jirkan ayaa dhameystiray u dhaqaaqitaanka kooxda Catalan kaddib ammaah uu ku qaadanayo illaa dhammaadka xilli ciyaareedkan isaga oo kasoo dhaqaaqay kooxda Serie A-da ka dhisan ee Sassuolo isniintii.

Barcelona ayaa bixisay 2 milyan oo Euro si ay u qaadato Boateng, waxayna ku iibsanayaan  8m oo Euro haddii ay doonayaan inay sii haystaan.

“Saddex maalmood ka hor,waxa uu ii soo wacay si lama filaan ah, laakiin ma aanan oggeyn waxa uu ku saabsanaa,”ayuu u sheegay Space FM.

“Markii uu ugu dambeyntii xaqiijiyay in uu u dhaqaaqay shalay Barcelona,waxay aheyd farxad aad iigu weyn in aan arko labadeyda wiil oo u ciyaaraya Bayern Munich iyo Barcelona, “ayuu hadalkiisa raaciyay.

Kevin-Prince Boateng ayaa noqonaya ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Ghana ee taariikhda Barcelona iyo ciyaaryahankii 14aad oo Afrikaan ah oo xirta funaanadda Barcelona.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan