Home / Cayaaro / PSG iyo Chelsea oo hoggaaminaya saxiixa Coutinho

PSG iyo Chelsea oo hoggaaminaya saxiixa Coutinho

Himilo FM –Paris Saint-Germain iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay doonayaan weeraryahanka Barcelona Philippe Coutinho xagaagan.

26 jirkan ayaa Barca kaga soo biiray Liverpool bishii Janaayo 2018, waxaana uu dhaliyay 19 gool 64 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalka Spain tartamada oo dhan.

Manchester United ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayso, laakiin sida laga soo xigtay Sport, PSG iyo Chelsea ayaa u dhaqaaqi doona saxiixa Coutinho.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Chelsea ay u aragto beddelka kubad sameeyaha Hazard – si aad ah loola xiriirinayay Real Madrid.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan