Home / Cayaaro / PSG oo Barcelona kula tartameysa saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

PSG oo Barcelona kula tartameysa saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

Himilo – Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang.

Kooxda horyaalka Ligue 1 ayaa baadi goobeysa weeraryahan cusub iyada oo Edinson Cavani uu ka tagayo kooxda bishan ama marka uu dhammaado qandaraaskiisa xagaagan.

Qanadaraaska Aubameyang ayaa ku dhaw gabagabo isaga oo ka diiday Arsenal dadaallo loogu kordhinayo heshiiska illaa dhammaadka 2021-ka.

30 jirka ayaa si weyn loola xiriiriyay u dhaqaaqista kooxda Barcelona kaddib markii la shaaciyay in Luis Suarez uu dhaawac ku maqnaan doono muddo afar billood ah. Footmercato ayaa soo warineysa in PSG dooneyso saxiixa Aubameyang oo ay ku beddalayaan Cavani.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in kooxda Faransiiska la xiriirtay wakiillada Aubameyang oo ay kala hadleen suurtagalnimada heshiis ammaah ah bishan.

Dhowr jeer oo hore, Arsenal ayaa sheegtay in gooldhaliyahooda ugu sarreeya uusan aheyn iib iyada oo Aubameyang uu xusay in uu sii joogayo Arsenal.

Cayaaryahanka reer Gabon ayaa dhaliyay 16 gool dhammaan tartamada oo dhan xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan