Home / Cayaaro / PSG oo Chelsea ku garaacday saxiixa Leandro Paredes

PSG oo Chelsea ku garaacday saxiixa Leandro Paredes

Himilo FM – Chelsea ayaa lala xiriiriyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Zenit Leandro Paredes laakiin xiddiga reer Argentine waxa uu door bidiyay inuu ku biiro Paris Saint-Germain.

Paris Saint-Germain ayaa dhameystirtay saxiixa Leandro Paredes kaddib markii ay Chelsea ku garaacday saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Zenit.

Paredes ayaa lagu soo waramayaa in uu diiradda u saarnaa kooxda Premier League laakiin waxa uu jecleystay inuu ku biiro kooxda hoggaanka u heysa Ligue 1. Xiddigan ayaa la rumeysan yahay in lagu soo qaatay €40m isaga oo xiran doona numberka 8.

Tababaraha kooxda PSG Thomas Tuchel ayaa caddeeyey in uu doonayo in uu ka ciyaarsiiyo khadka dhexe bisha Janaayo iyadoo Lassana Diarra iyo Marco Verratti ay labaduba dhaawacyo soo gaareen.

Adrien Rabiot ayaa sidoo kale aan la heli karin iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska laga yaabo inuu isaga tago kooxda maadaama laacibkaan lala xiriirinayo kooxaha Barcelona iyo Liverpool.

Laakiin Tuchel oo haatan heysta Paredes, kaasi oo Zenit kaga soo biiray Roma 2017, ayaa heshiis afar sanno iyo bar ah u saxiixay kooxda Parc des Princes.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan