Home / Habka-Nolosha / PSG oo dooneysa in ay Man City ka dul qaaddo saxiixa laacibka Arsenal ee  Alexis Sanchez.

PSG oo dooneysa in ay Man City ka dul qaaddo saxiixa laacibka Arsenal ee  Alexis Sanchez.

Muqdisho – PSG ayaa isku diyaarineysa inay 25 milyan oo ginni ku dalbato bisha Janaayo weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez, sida laga soo xigtay Express Sport.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Sanchez uu doonayo inuu u dhaqaaqo Manchester City, kuwaas oo sidoo kale la filayo inuu bisha Janaayo dalab u diraan, laakiin PSG ayaa rajeyneysa inay iska iibiso Edinson Cavani si uu boos uga helo Alexis Sanchez kooxda.

Sanchez, oo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, ayaa ah ciyaaryahan muhiim u ah PSG iyo Manchester City, sababtoo ah u jeedada labadaan kooxood ayaa ah in ay hantiyaan Champions League.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan