Himilo – PSG ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay iibinta Neymar si lacagta ka soo baxday heshiiskiisa loogu adeegsado heynta Kylian Mbappe.
Inkasta oo labada cayaaryahan heystaan qandaraasyo ku eg illaa 2022-ka haddana waxaa soo baxaya wararka ku saabsan bixitaanka labo kamid ah laacibiinta.
Leonardo oo kamid ah madaxda PSG ayaa si cad uga hadlay in kooxda dooneyso heysashada Mbappe kaasi oo la rumeysan yahay in uu bartilmaameed u yahay Real Madrid.
Wararka ayaa tilmaamaya in PSG u aragto Mbappe cayaaryahan muhiim ah taasi oo ka dhigeysa in laga jawaabo dalabaadka xagga lacagaha.
Inkasta oo Barcelona lala xiriiriyay Neymar haddana ma cadda haddii kooxda reer Catalan ay ka bixi karto kharashaadka cayaaryahanka reer Brazil.