Himilo –Ciyaaryahanka Real Madrid Lucas Vazquez ayaa u muuqda mid diiradda u saaran xagaaga suuqa kala iibsiga Paris Saint-Germain.
El Mundo Deportivo ayaa ka soo xigatay Le10 sport in xiddiga heerka caalami ee dalka Spain uu qeyb ka noqon karo dib-u-dhiska kooxda si ay kooxda Parisians-ka uga dhigaan ‘koox isku dheeli tiran’.
Labo ciyaaryahan oo khadka dhexe ka ciyaara oo reer Spain ah ayaa qalinka ugu duugay kooxda heysata horyaalka Faransiiska xagaagan, iyadoo Pablo Sarabia uu ka yimid Sevilla qiimo dhan 18 milyan oo Euro halka Ander Herrera uu ku biiray ka dib markii uu ka soo tagay Manchester United.
Vazquez ayaa ka tagi kara Santiago Bernabeu xagaaga, 28 jirkan ayaa mustaqbalka xirfadiisa ciyaareed ku kharash gareeyey Los Blancos – marka laga reebo ololaha 2014/15 oo uu ammaah ku soo qaatay Espanyol .
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku billowday keliya 15 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkii hore, waxay u badantahay in la iibin karo haddii dalab sax ah laga soo gudbiyo.