Home / Cayaaro / PSG oo go’aansatay inay Icardi ugu dhaqaaqdo si joogto ah

PSG oo go’aansatay inay Icardi ugu dhaqaaqdo si joogto ah

Himilo- Kooxda Paris Saint-Germain ayaa go’aansatay inay ammaahda ay uga soo qaadatay kooxda Inter Milan Mauro Icardi  si ay heshiis joogto ah uga hesho suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Xiddiga reer Argentine ayaa u dhaqaaqay Parc des Princes iyadoo maalintii ugu dambeysay uu baxay  ka dib markii ay caddaatay inuusan ku jirin qorshaha macallinka cusub ee kooxda Inter Antonio Conte.

Icardi wuxuu ku riyaaqay billow wanaagsan oo nolosha Paris, wuxuu dhaliyay toddobo gool inta u badan tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb, PSG ayaa ka faa iideysan doonta qoddobka lagu burburin karo heshiiska ammaahda ee Icardi kaasoo u ogolaanaya inay si joogta ah kula soo saxiixato weeraryahanka 70 milyan ginni.

Waxaa la sheegay in PSG ay sii xoojin doonto dadaallada ay kula soo saxiixaneyso Icardi bilah Decembar iyo Janaayo si ay uga celiso xiisaha kooxaha kale.

Go’aanka PSG ee ah sii haysashada Icardi ayaa ka hor imaaneysa soo laabashada Neymar iyadoo u muuqata inay markale raadineyso  Barcelona xagaaga soo aadan.

About Mahad Mohamed

2 comments

  1. priligy without prescription If your reaction was severe, a drug challenge may be considered too dangerous

  2. priligy generic Fenaroli P, Maritati F, Vaglio A

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan