Home / Cayaaro / PSG oo go’aansatay inay lasoo saxiixato N’Golo Kante

PSG oo go’aansatay inay lasoo saxiixato N’Golo Kante

Himilo FM –Paris Saint-Germain ayaa go’aan ku gaartay inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante xagaagan.

Kante oo haatan dhaawac muruqa ah kaga maqan kooxda ayaa 141 kulan u saftay Chelsea tan iyo markii uu ka soo tagay Leicester City sannadkii 2016.

PSG ayaa si aad ah loola xiriirinayay xiddiga Everton Idrissa Gueye bishii Janaayo iyagoo doonaya inay horumariyaan xulalka khadka dhexe laakiin sida ay qortay jariirada The Mirror, kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa haatan diiradda  saareysa Kante.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Blues ay ku dagaalami doonto si ay u sii haysato 28 jirkan, inkastoo mushaharka la filayo in loo soo bandhigo  uu noqdo mid aad u weyn oo aan la iska diidi karin.

Kante ayaa 52 kulan u saftay kooxda Maurizio Sarri tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, lakiin waxa uu noqonayaa taam si uu u wajaho tartanka Europa League ee ay la leeyihiin Arsenal 29-ka May.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan