Home / Cayaaro / PSG oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro Hakimi

PSG oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro Hakimi

Himilo – PSG ayaa la soo warinayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa cayaaryahanka Real Madrid Achraf Hakimi.

Cayaaryahanka reer Morocco ayaa labo xilli cayaareed oo ammaah ah ku qaatay Borussia Dortmund isaga oo dhaliyay 10 gool 65 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in 21 jirka aysan u badneyn in uu ku laabto kooxdiisa hore xagaaga iyada oo dalabaad uga imaanayaan kooxo badan.

Sida laga soo xigtay Foot Mercato, PSG ayaa u aragta Hakimi beddalka Thomas Meunier oo la filayo in uu ka tago kooxda.

Si kasta, warbixinno kale ayaa muujinaya in Dortmund kalsooni ku qabto inay sii heysato laacibka xilli cayaareed kale. Bayern Munich ayaa sidoo kale lala xiriirin karaa cayaaryahanka.

Hakimi ayaa dhaliyay seddex gool isaga oo caawiyay 10 kale horyaalka Bundesliga ol-olaha 2019-20.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan