Home / Habka-Nolosha / PSG oo macalin Leonardo Jardim doonaysa.

PSG oo macalin Leonardo Jardim doonaysa.

Muqdisho – Tababaraha kooxda MonacoLeonardo Jardim ayay wararku sheegayaan in uu diiradda u saaran yahay kooxda ay naadigiisu la xafiiltanto ee Paris Saint-Germain.

Tababaraha xiligan ee kooxda,  Unai Emery ayaa ku guuldarreystay in uu si buuxda u dhiso koox ku xoogan tartamada Yurub sanadkii lasoo dhaafay waxayna qaab xishood darro ah uga soo hareen tartanka markii ay wajaheen Barcelona.

Sida ay warineyso TOP Mercato, maamulaha Sportska, Antero Henrique ayaa la dhacsan tababare Jardim  isla markaana waxa uu doonayaa in uu keeno Stade Louis II, tababarahaan ayaana ku guuleystay horyaalka sanadkii lasoo dhaafay, isaga oo gaaray afar dhamaadka koobka horyaallada Yurub.

Monaco ayaa hadda saddex dhibcood looga hoggaaminyaa horyaalka waxaana ka sarreysa kooxda duulaanka ku ah macalinkeeda ee PSG.

Emery ayaa dhawaan PSG ku hogaamiyay guul 3-0 aheyd oo ay ka gaareen naadiga Bayern Munich kulan ka tirsanaa koobka horyaallada Yurub ee Champions League, hayeeshe wali madaxda kooxda ayaa u muuqda kuwo aan ku qancsaneyn shaqada Emery.

45- jirkan ayaa guuleystey 51 kamid ah  67 oo uu maamulay PSG.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan