Home / Cayaaro / PSG oo Mbappe siineysa qandaraas mushaar kordhin ah

PSG oo Mbappe siineysa qandaraas mushaar kordhin ah

Himilo – Kooxda Paris Saint-Germain ayaa u bandhigaysa Kylian Mbappe qandaraas cusub oo uu sannadkii ku qaadan doono adduun dhan £21 Milyan.

Iyada oo qandaraaskiisa PSG ay ka harsan tahay muddo labo sanno iyo bar ah, haddana kooxda Faransiiska ayaa dadaal ku bixinaysa sidii ay u ceshan laheyd cayaaryahanka da’da yar.

Real Madrid ayaa loo arkaa inay tahay kooxda loo badinayo inay u dhaqaaqi karto saxiixa 21 jirka xagaaga xilli Liverpool la tilmaamay inay qiimeynayso xaaladda.

Si kasta, marka la eego L’Equipe journalist Arnaud Hermant, PSG ayaa ku farraxsan inay Mbappe siiso qandaraas cusub oo mushaar kordhin ah si loogu sii hayo Parc des Princes.

Mbappe ayaa dhaliyay 82 gool 105 kulan intii uu joogay kooxda PSG.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan