Home / Cayaaro / PSG oo Salah ka dhigeysa beddalka Neymar

PSG oo Salah ka dhigeysa beddalka Neymar

Himilo – PSG ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameed ka dhiganayso Maxamed Salah si uu beddal ugu noqdo Neymar.

Salah ayaa sameeyay bandhig wanaagsan tan iyo markii uu ku biiray kooxda Jurgen Klopp sannadkii 2017-ka isaga oo dhaliyay 91 gool 144 kulan.

Si kasta, wararka ayaa sheegaya in Liverpool aysan dooneyn iibinta Salah iyada oo qorsheynaysa saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Liverpool ayaa sameysay bandhig wanaagsan xilli cayaareedkan iyada oo dhibco badan ku qabatay hoggaanka horyaalka Ingiriiska oo hakad la geliyay illaa 4 April sabab la xiriirta caabuqa Coronavirus.

Salah ayaa dhaliyay 16 gool isaga oo caawiyay lix kale 26 kulan oo xilli cayaareedkan ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan